taariikhda dalka austeria

www.burco.com
burcaawi.com

Hordhac

Austria oo mar ahayd xarunta Imbiraadooriyadii Austro-Hungarian, ayaa isugu soo biyo shubatay Jamhuuriyad yar, kadib markii lagu jabiyey dagaalkii aduunka ee koobaad. Sandkii 1938 ayey Naaziyinti Jarmalku ay Austria ka dhigeen qayb jarmal ka mid ah. Kadib markii Jarmalka laga guulaystay waxaa Austria taladeeda la wareegay Dawladihii guulaystay sanadkii 1945 kii. Dastuurka dalka ayaa lagu daray qodab dhigaaya in dalku u dhex u yahay NATO iyo WARSO, Midawgii Sovietka ayaa shardi ka dhigay si uu ciidamadiisa uga la baxo Austria in ay ahaato dhexdhexad, sidaasna Dalka Austria waxa uu dib ugu hantay madax-banaanidiisa sanadkii 1955kii. - Kadib markii uu burubaray Midawgii Soviet-ku 1991kii Austria waxa ku biirtay midawga Yurub. Caasimada Austria waxa ku taala beerta Xayaanada ee ugu qadiimsan caalamka waxaana loo yaqaanaa Tiergarten Sch??nbrunn, Waxa aanay jirtay tan iyo bilaabo sanadkii 1752kii. Barta Ay Ku Taalo: Austria Waa dal ku yaala Yurubta dhexe, Germany iyo Czech Republic ayaa ka xiga dhinaca Waqooyi. Barina waxa ay xad kala wadaagtaa Hungary iyo Slovenia. koonfurna waxaa ka kulaalaya Slovakia iyo Italy, halka ay geesta Galbeedna kaga meeranyihiin Liechtenstein iyo Switzerland, Dhererka Xuduuda ay la wadaagto wadamadan ayaa lagu qiyaasaa 2,524 oo Km (Laba Kun shan boqol iyo afar iyo labaatan Kiloomitir). Dhulka Austria waa dhul buuralay ah, waxaa ku yaala buuraha Alps. Dhulka sadex meelood, laba meelood ayaa ka sareeya jooga 500 oo Mitir. Fikta ugu saraysaana waxa ay ku taala Buurta Grossglockner waxaana lagu qiyaasaa joogeeda 3,798 oo Mitir. Baaxaadda dhulka Asutria ayaa lagu qiyaasaa ilaa 83,871 Kiiloo Mitir oo Isku wareeg ah, Waana dalka 114 aad dhinaca baaxada dhulka. Cimilada: Austria waxa ka jirta Cimilo dhexdhexaad ah: Xagaagii waa diirimaad fiican, iyada oo habeenkii qabaw yahay. Halka jiilaalkii uu yahay xilli qoraxeed roobane ah, intaa waxa dheer baraf khafiif ah. Caasimada : Vienna Luqadda -Dadka reer Austria boqokiiba 88.6 waxa ay ku hadalaan afka Jarmalka, boqolkiiba 2.3 waxa ku hadlaan Af Turkiga, halka ay boqolkiiba 2.2 isticmaalaan af Serbian-ka. Boqlkiiba 5.3 waxa isku fahmaan afka Croatian-ka. Diinta: Dalka Austria waxa lagu qiyaasa muslimiinta ku dhaqan boqolkiiba ilaa 4.2. Halka boqoliiba 73.6 ay yihiin dad aaminsan Mad-habka Roman Catholic ee ku abtirsada diinta Kiristaanka, Mad-habka protestant-ka ee diinta kiristaanka isna waxaa haysta boqolkiiba ilaa 4.7. Dad u dhigma boqolkiiba 3.5 aya aaminsan waxyaabo kale. Halka ay busho u dhiganta boqolkiba 2 bilaa diin yihiin. Dadka - Qiyaas la qaaday sadandkii tagay ayaa ku qiyaastay tirada dadka ku nool Austria ilaa 8,223,062 oo ruux, Waana dalka 95aad. Dhaqaalaha: Austria waa dawlad hodan ah, waxaa lagu qiyaasaa wax soosaarka guud 361 bilyan oo Dollar, Waxa uuna ku jiraa kaalinta 38 aad ee xaga wax soosaarka. Qofka reer Austria ayaa sanadkii waxa usoo xarooda dakhli gaadhaya 42600 oo Dollar. Waana dalka 22aad marka la eego dhakhli shakhsiyeedka. Dhaqaalaha Austria waxa uu si wayn ugu tiirsanyahay dakhliga ka soo xarooda Dalxiiska. Dadka shaqada haysta ayaa u dhigma ilaa 3737 milyan. Heerka Shaqo la'aantuna waxa uu cagacagaynayaa boqolkiiba 4.9, Waana dalka 46 aad dhinca shaqo la'aanta. - boqolkiiba 6.2 dadka reer Austia waxa ay ku nool yihiin nolal ka hoosaysa Xariiqa Sabooltinimada. Heerka Sicir bararka ayaa garaacaya boqolkiiba 2.1 waxa uuna ku jiraa kaalinta 74 aad. Khayraadka Debeeciga Ah: Dalkani waxa uu qani ku yahay saliida, Dhuxul dhagxda, Xadiidka, antimony, Looxa, Zink, Milxda, Naxaasta, magnesite, tungsten, graphite iyo Tamarta laga dhaliyo Biyaha. Waxbarashada: Dawlada Austria ahmiyad weyn ayey siisaa wax-barashada, dhaqaale uga dhigma boqolkiiba 5.9 wax soosaarka dalka ayaa lagu qarashgareeya waxbarashada, Dadka da'doodu ka wayntahay 15 sano ee awooda in ay wax akhriyaan waxna qoraan ayaa u dhigma boqolkiiba 98, Celceliska da'da dugsiyada lagaga qalin jabiyaana waa 15 sano. Dhammaad

Comments