Muran ka dhashay bloodh ku yaala dayaxa guudkiisa

-Dayaxu  waa  meesha  keliya  ee  samada  ka  mid  ah  ee  ay aadamaha  wakhtigan  joogaa  cagaha  soo  dhigeen  iyadoo  inkastoo  uu barnaamijkii  Luuna  ee  ay  lahaayeen  midowgii  soofiyeeti  guushii  ugu horaysay  ka  gaadhay  gaadhitaanka  dayaxa  korkiisa  oo  ay  ku  tageen  dayax gacmeed  aan  dad  saarnayn  sanadkii  1959,  ayaa  haddana  barnaamijkii Aboolo  ee  ay  lahayd  hay’adda  sahaminta  hawada  sare  ee  dalka  Maraykanka ee  layidhaahdo  magaceeda  NASA  waxa  uu  xaqiijiyay  hawshii    markii  ugu horeysay  dad  lagu  geeyay  dayaxa  korkiisa  sanadkii  1968-kii,  wakhtigaasi  oo ay  ku tageen  dayax  gacmeedkii  Apolo. Socdaalkaas  hawada  sare  oo  ay  ku  xigeen  lix  socdaal  oo  kale  oo  xidhiidh ahaa  oo  hawada  sare  lagu  tagay  intii  u  dhaxaysay  sanadihii  1968-kii  ilaa 1972-kii,  iyadoo  midkii  ugu  horeeyay  lixdan  socdaal  ee  dambe  lagu  tagay dayax  gacmeedkii  Apolo11  sanadkii  1969-kii,  waxaana  xiligaas  laga  soo qaaday  daxaya  ilaa  380kg  oo  dhagxaan  dayaxa  korkiisa  taalay,  kuwaasi  oo markii  dhulka  hoose  la  keenay  laga  sameeyay  cilmibaadhisyo  iyo  deraasado ku  saabsan  dayaxa. Mr  Grigory  Lims  oo  xiligaasi  daahqaaday  dhul  gaar  ah  oo  ka  samaysan macdanta  Plathinium-ka  loo  yaqaan,  taasi  loogu  magac  daray  Iru





Haddaba  iyadoo  la  ogyahay  inaan  shaqsi  gaar  ah  iyo  dawladdo  toona  aanay mulki  u  lahayn  bogcad  ka  mid  ah  hawada  sare  ayaa  haddana  Mr.  Grigory waxa  uu  xiligaas  soo  calaamadsaday  kowkamkii  dhuleed  ee  uu daahqaaday,  isagoona  sheegtay  mulkiyadiisa. Goor  dambe  markii  ay  NASA  socdaal  ku  tagtay  meero  dhuleedkaasi,  ayaa mr.  Limths  waxaa  uu  dawladda  Maraykanka  ka  dalbaday  inay  iska  bixiso kiradii  ku  waajibtay  dayax  gacmeedkooda  fadhiistay  mere  dhuleedkaasi  uu soo  calaamadsaday,  kiradaasi  oo  dhan  $20  oo  keliya.  Arrintaasi  waxay keentay  inay  dawladda  Maraykanka  oo  cuskanaysa  heshiis  caalami  ah  oo sanadkii  1970  lagu  go’aamiyay  inaanay  cidi  ama  dawladdi  sheegan  Karin mulkiyada  meel  ka  baxsan  kowmka  aadamahu  guudkiisa  ku  nool  yahay,  ay dacwad  ku  oogto  cir-bixiyeenkii  Grigory  Limths,  iyagoo  ku  eedaynaya inaanu  sheegan  Karin  mulkiyada  qayb  ka  mid  ah  hawada  sare.  Inkastoo  oo dawladdo  waaweyn  oo  ay  ka  mid  yihiin  Ruushka  iyo  Shiinuhu  aanay saxeexin  heshiiskaasi  oo  qodobadiisu  ilaa  maanta  aanay  cadayn,  waxaanu heshiiskaasi  keliya  mamnuucayaa  inaanay  dawladduhu  sheegan  Karin hawada  sare,  balse  aan  heshiishkaasi  aan  lagu  cadayn  in  shirkaddaha  iyo shakhsiyaadku  aanay  mulkiyad  ku  yeelan  Karin  dayaxa  ama  hawada  sare, waxaase  sharcigaasi  uu  hawada  sare  kasoo  qaaday  faras  magaalaha magaalooyinka  waaweyn  oo  kale,  kaasi  oo  meelaha  caamka  ah  cid  gaar  ahi mulkiyi  Karin,  laakiin  taas  beddelkeeda  hishiiska  wuxuu  ogol  yahay  in sheyga  uu  qofi  kaga  yimaado  dayaxa  korkiisa,  xataa  haddii  ay  tahay muraayada  indhaha  oo  tusaale  loogu  soo  qaatay,  inuu  isagu  leeyahay mulkiyada  shegaasi. Haddaba  iyadoo  dawladdaha  waaweyni  u  adeegsadaan  siyaabo  kala  duwan hawada  sare,  xarumana  ugu  yaallaan  hawada  sare,  gaar  ahaan  dayax gacmeedada  isgaadhsiinta  ah,  ayaa  haddana  casrigan  la  joogo  waxa  ay mulkiyada  ama  lahaanshiyaha  hawada  sare  u  muuqataa  mid  iyadu  ku xidhan  cududa  military,  sidii  ay  axdigii  qadiimka  ahaaba  mulkiyada  dhulku ugu  xidhnayd  quwadii  ciidan  ee  markaasi  jirtay.

Comments